Published On: Tue, Nov 1st, 2016

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu weeraray Mareykanka

images-1

Ciidamada ammaanka Magaalada San Diego ee dalka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay 3 nin oo lagu eedeeyay in ay   muwaadin Soomaaliyeed  ay ku weerareen  maqaayad ku taalla Magaalada San Diego ee dalka Mareykanka.

Sida uu baahiyay tv-ga NBC saddexda nin ayaa lagu sheegay sababta ay u weerareen muwaadinka Soomaaliyeed in ay aheyd isir neceyb ay u qabeen dadka muslimiinta ah.

Taliyaha ciidanka San Diego ayaa sheegay in saddexda  nin ee weerartay muwaadinka Soomaaliyeed ay wajihi doonaan Maxkamad ku taalla Magaalada San Diego Ee dalka Mareykanka.

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa waxaa soo gaaray dhaawac , waxaana lagu dabiibaayaa isbitaal ku yaalla dalka Mareykanka.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo aan la shaacin magaciisa ayaa da’diisa waxaa lagu sheegay 20 sano jir.

“Mid ka mid ah shaqaalaha Maqaayada ayaa nagu caawiyay in aan gacanta ku dhigno kuwa isir naceyka u weeraray muwaadinka Soomaaliyeed , waxaan ku wadnaa baaritaan , waxaana ay wajihi doonaan Maxkamad” sidaas waxaa tvga NBC u sheegay mid ka mid ah saraakiisha laamaha amniga.

Inta badan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Mareykanka ayaa waxa ay wajahaayaan  falal ku saleysan isirneceyb.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidanka ammaanka ee Magaalada Garden City ay gacanta ku dhigeen 3 nin oo doonaayay in ay weerar ku qaadaan 120 qof oo Soomaali ah , kuwaa soo kunoolaa Guri ku yaalla Magaalada Garden City.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300