Published On: Tue, Nov 1st, 2016

Jubbaland “Dhaqaalo uma heyno Qaxootiga Dhadhaab

coll-darwiish-238x178

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in nolol xumo ay heysato dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya Dalka Kenya.

Waxa uu sheegay in aysan qaabili Karin qaxooti kale oo ka yimaada Dalka Kenya, isla markaana weli ay maareen la’yihiin dadka hada ku sugan deegaanada Jubbaland.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka Jubbaland uu joojiyay inuu soo dhaweeyo qaxootiga Kenya ka imaanaya maadaama sida uu sheegay aysan dhaqaalo dib u dejin ugu sameeyaan aysan u heyn.

Waxa uu Hay’adda ka shaqeeya arrimaha Qaxootiga ugu baaqay in ay taageero dhaqaale siiyaan qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Dalka Kenya ee doonaya iney Soomaaliya yimaadaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300