Published On: Mon, Oct 31st, 2016

Howgal Maanta ka socda deegaanka Goofgaduud

ciidam-1
Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa saaka howgal ka wadda deegaanka Goof-Gaduud ee gobolka Baay oo ay dib ugula wareegeen Al-Shabaab oo muddo kooban gacanta ku hayay degmadaasi

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa siweyn u adkeeyay ammaanka deegaanka Goof-Gaduud , waxana ay baarayaan guryaha Qaar oo ay ka baadi goobayaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Habeen hore Dagaal ay kusoo qaadeen Al-Shabaab deegaanka Goof-Gaduud ayay kula wareegeen Gacanta ku haynta degaankaasi, laakiin Gurmad maamulka Koonfur Galbeed ay ka direen magaalada Baydhabo ayaa suurta geliyay in ay dib u qabsadaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ciidamo dheeraad ah oo ka socda koonfur Galbeed iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa joogga deegaanka Goof-Gaduud ee gobolka Baay

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300