Published On: Mon, Oct 31st, 2016

Booliska Koonfur Galbeed oo sheegay inay adkeeyeen ammaanka Baydhabo

kuuuuuuuuuuuu

Taliska Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa shaaca ka qaaday inay adkeynayaan ammaanka goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka ee Deeganada Koonfur Galbeed.

Taliye ku xigeenka ciidanka gaarka ah ee Booliska Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cari case, ayaa sheegay inay isku diyaariyeen suggida ammaanka goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Waxa uu sheegay inay ciidamo gaar ah u diyaariyeen ammaanka Musharaxiinta iyo goobaha dadka isugu imaanayaan ee Magaalada Baydhabo.

“Diyaar baan u nahay inaan sugno amniga guud ee musharraxiinta Koonfur Galbeed, sidoo kale waxaan sugeynaa amniga goobaha doorashooyinka annaga oo ka feejigan wax walbo, annaga ayaa damaanad qaadeyna amniga guug ee goobaha doorashooyinka” ayuu yiri Taliyaha.

Taliye Isaaq ayaa kula dardaarmey shacabka Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa Baydhabo iney u istaagaan la shaqeynta ciidamada amniga.

Magaalooyin badan oo dalka ah waxaa looga diyaargaroobayaan doorashooyinka aqalka hoose, iyadoo amniga uu yahay mid aad loo adkeeyey.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300