Sh. Max’ed Shaakir oo Dowladaha Somaliya iyo Jabuuti eedeyn u jeediyay
Maamulka Ahlusunna ayaa eedeeyn kulul u jeediyay dowladda Soomaaliya , waxaana ay sheegeen madaxda maamulkaasi in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee waqtigeedii uu dhamaatay aysan dhisin ciidan difaaci karo dadka iyo sidoo kale dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka AMISOM aysan ka faa’idaysan dowladda Soomaalida ,madaam uu sheegay sababta ciidanka AMISOM loo keenay dalka in ay aheyd in lagu dhiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed.
Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna ayaa sidoo kale sheegay in ay nasiib daro ay tahay in meelihii ay ka baxeen ciidanka dowladda Itoobiya ay dib u qabsadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
Sheekh maxamed Shaakir ,ayaa dhanka kale Dowladda Jabuuti ku eedeeyay in aysan dhex dhexaad ka ahayn howlgalkeeda Soomaaliya maaddaama sida uu sheegay in Ciidan geysay Magaalada Cadaado.
Waxaa uu ugu baaqay in magaca Hiil Walaal ay ka dhabeeyaan oo ay noqdaan ciidan u dhaxeeya dadka Soomaaliyeed,waxaana uu ka digay in Ciidanka Cadaado la geeyay kuwii ay beddeleen ee Galmudug ay dagaallo ka galaan degaannada ay heysato Ahlu Sunna.