Published On: Sun, Oct 30th, 2016

Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo isku dhaafsaday Maxaabiis

gaall

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Maamulada Puntland iyo Galmudug ay halkaasi isku dhaafsadeen Dad Maxabiis ah.

Maxaabiistaan ayaa lagu kala qabsaday dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, iyadoo doorka ugu badan ee is dhaafsiga Maxaabiista ay ka shaqeeyeen Ganacsatada Gobolka Mudug ee labada dhinac ka soo kala jeeda.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa isaga oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in gelinkii dambe ee shalay si rasmi ah loogu guuleystay in maxaabiistaan la is dhaafsado, islamarkaana dadaalka ugu weyn ay bixiyeen Ganacsatada Labada dhinac.

Tirada Maxaabiista la is dhaafsaday ayaa ah Galmudug oo sii deysay Afar ruux iyo Puntland oo dhinacooda sii daayay hal ruux sida Nabadoonka uu sheegay.

“Ganacsatada Galmudug iyo Puntland oo iyagu ka dhaxeyso shaqada, hantidana isugu darsan tahay ayaa dedaal dheer ku bixiyey sidii loo siideyn lahaa maxaabiistaan la kala haysto, wax walbo oo ay ahaadaanba waa lagu guuleystay in la isku sii daayo maxaabiista waliba iyaga oo badqaba” ayuu yiri Nabadoonka.

Gaalkacyo, waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug, weli waxaa magaaladaasi laga dareemayaa xiisad colaadeed, mana jirto dedaal muuqda oo lagu nabadeynayo dhinacayadan ku dagaallamaya Gaalkacyo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300