Published On: Sun, Oct 30th, 2016

Galmudug oo xoog ku soo furatay Haweenay Ajnabi ah oo Mudug lagu haystay

breaking

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Mudug ee Bartamaha Somaliya ciidamada Maamulka Galmudug ayaa si xoog ah ku so furtay Haweenay u dhalatay dalka Kenya oo Afduub ahaan loogu haystay Deeganada Maamulkaasi.

Howlgalkaan oo ay qaadeen ciidamada Nabad Suggida Maamulka Galmudug ayaa loogu guuleystay sidii loogu talo galay, kadib markii sida qorshaha ay u dhigeen ciidanka uu u dhacay.

Taliyaha Nabad Suggida Maamulka Galmudug Saadaq Cumar Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in haweenaydaasi laga soo furtay gacanta Koox Burcad badeed ah.

Haweenayda ciidanka ay soo furteen ayaa u dhalatay dalka Kenya, waxaana lagu haystay duleedka Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug

Haweenaydaan ayaa hada la keenay Magaalada Cadaado, halkaasi oo Saraakiisha ciidamada Maamulka Galmudug ay Saxaafadda ugu soo bandhigi doonaan.

Kooxihii Burcad Badeeda ee Haweenaydaasi haystay, ayaa la sheegay inay la baxsadeen Naftooda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300