Published On: Sun, Oct 30th, 2016

Booliska Gobolka Banaadir oo sheegay maalmaha soo socda wadooyin qaar in la xiri doono

booliska

Taliska Booliska Gobolka Banaadir, ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda la xiri doono qaar ka tirsan wadooyinka Magaalada Muqdisho, si loo adkeeyo ammaanka caasimada, maadaama ay ka dhaceyso Doorasho.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay inuu jiro diyaargarowga ku aadan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho oo Doorashada ay ka dhaceyso.

Waxa uu sheegay Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Bulshada caasimada ku nool in laga doonaayo inay muujiyaan dulqaadka ku aadan xirnaanshaha suurtagalka ay tahay inay ku timaado qaar ka tirsan wadooyinka Muqdisho.

Arimaha Doorashooyinka, guud ahaan dalka gaar ahaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho, waxaan ugu baaqayaa inay nagala shaqeeyaan arimaha amniga iyo sida Doorashooyinka ku hirgeli lahaayeen, gaar ahaan waxaan ugu baaqeynaa inay noo samraan, samirka ayaa wax kasta ka weyn, sababta waxa ay tahay waxaa dhici karta jidad gaar ah oo amniga doorashooyinka lagu sugaayo inaan u baahano inaan xirno, maadaama jidadkaasi la xiraayo dadkii jidadkaasi isticmaali jiray inay dulqaad ka muujiyaan noona samraan.” Ayuu yiri Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska ayaa hada wada diyaargarowga ku aadan arimaha suggida ammaanka Doorashada oo meelaha qaar ee Muqdisho waxaa laga dhisay Xarumo ciidan cusub oo u qaab eeg difaacyada ciidanka furumaha u yaal oo kale.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya ayaa ah Guddoomiyaha Guddiga amniga Doorashooyinka, iyadoo dhawaan la filaayo ciidamo cusub oo Booliska ka tirsan in loo soo saaro suggida ammaanka Doorashada.

Al Shabaab ayaa horay u sheegay inay sameynayaan isku day kasta oo ku aadan carqaladeynta ammaanka goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300