Published On: Sat, Oct 29th, 2016

Waxgaradka Puntland oo eedeeyay Ra’iisulwasaare Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

waxgarad

Qaar ka mid ah waxgaradka deegaanada maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn u jeediyay Ra’iisulwasaaraha Dowladda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Waxgaradka ayaa Ra’iisulwasaaraha ku eedeeyay in uu faragelin  ku hayo ergooyinka loogu tala galay in ay doortaan xubnaha Aqalka Hoose u matali doona deegaanada maamulka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee deegaanada maamulka Puntland ayay ugu baaqeen in ay faraha kala baxaan ergooyinka soo dooranaya xubnaha Aqalka Hoose.

Waxaa soo baxaaya khilaaf xoogan oo ka imaanaya Qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo ku aadan sida loo qeybsanayo xubnaha Aqalka Hoose , ergooyinka soo dooranaya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300