Published On: Sat, Oct 29th, 2016

Soomaaliya oo cambaareysay Gantaalkii Maka Al-Mukaramah.

4fecy6k

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Gantaalkii dhawaan kooxaha xuutiyiinta ah ay ku tuureen Magaalada Barakeysan ee Makka Almukaramah ee dalka Sacuudi Carabiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn cambaareynayso Gantaalkii dhawaan Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay Ku tuureen Magaalada Barakeysan.

Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga digeyso kooxaha xuutiyiinta ah in ay qaadaan tilaabo la mid ah midii ay horay u qaadeen.

“Waxa aanu si walaac ku jirto ula soconnaa xaaladaha halista ah ee ka jira Yemen, waxa aanu cambaareyneynaa maleeshiyooyinka Xuuthiyiinta oo gantaal balaastiko ah ku ganay deegaan ka tirsan Magaalada barakeysan ee Makka Almukaramah , waxa aanu u aragnaa dhaqankaas cadowtinimada baxsan leh fal aan marmarsiinyo noqon karin oo ka hor imaanaya dhammaan mabaadiida, waxa aanu cadeyneynaa sida aanu uga soo horjeedno xadgudubkaas halista leh ee dambiga xambaaran ee loogu tallaabay sharafta meesha dhulka ugu daahirsan, uguna xurmo badan iyo goobaha la xurmeeyo ee Islaamka” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ugu baaqeysaa Xukuumadda Sharciga ah ee Yemen, dhammaan dhinacyada hubeysan iyo ururada siyaasadeed ee kale inay u istaagaan soo afjaridda loolanka dhiigga ku daatay , iyaga oo u maraya dib u heshiisiin qaran iyo wadahadal dhab ah si loo ilaaliyo nafta dadka rayidka ah , loona joojiyo dhiigga shacabka aynu walaalaha nahay ee Yemen” ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300