Published On: Sat, Oct 29th, 2016

SAWIRADA: Banaanbax Maanta ka dhacay Caabud Waaq, Gedo

caabudwaaq2Magaalada CaabudWaaq oo ka tirsan gobolka Gedo, waxaa manta ka dhacay Banaan Bax Balaaran, kaasi oo qeybaha kala duwan ay ka soo qeyb galeen, sida wararka aanu heleyno ay sheegayaan.

Banaanbaxaan, waxaa soo agaasimey Waxbarashada degmadaasi, waxaana si weyn uga dhex buuqdey ardeyda dugisyada, Barreyaasha, iyo dad kale oo magac ku dhex leh bulshada.

Garoonka Kubadda cagta ee Roob da’ay  ee magaaladaasi ayay isugu soo aruureen banaanbaxayaasha oo markii ugu dambeysay halkaasi hadalo loogu jeediyey.

Ujeedada Dadkani u soo dibad baxeen ayaa lagu sheegay in lagu muujinayay sida ay uga xun yihiin, ugana soo horjeedaan dilalka qorshaysan ee loo geysto dadka waxtarka u leh bulshada ku nool degmadaasi.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee maamulka degmada, Muuse Maxamed Axmed ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilka loo geysto dadka bulshada ka dhex muuqda, isla markaasna ay qaadi doonaan tilaabooyin looga hortagaayo arrintaasi.

Sidoo kale, Waxgarad halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wax aan la qaadan Karin ay yihiin dilalka joogtada u dhacaya, iyo weerarada u muuqda kuwa qorsheysan ee ah dilalka lagu hayo dadka waxtarka bulshada u leh.

caabudwaaq caabudwaaq1 caabudwaaq4 caabudwaaq5 caabudwaaq6

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300