Published On: Sat, Oct 29th, 2016

Qaramada Midoobay oo gaccan ka gaysatay soo daynta caruur Nigerian ah

_92143320_f5c36650-6aa0-453a-b2d4-ee0815c026e4

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay sanadkii hore gacan ka geysatay sii deynta ku dhawaad 900 oo carruur ah, kuwaas oo ay gacanta ku hayeen ciidammada nabadgelyada Nigeria.

Waxaa carruurtaasi lagu hayey xeryo milaterigu ku leeyihiin magaalada Maiduguri ee ku taal waqooyi bari Nigeria, halkaasi oo lagu baadho dadka looga shakisan yahay in ay xidhiidh la leeyihiin kooxda Boko Xaraam.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in carruuntaasi ay ka mid ahaayeen kumaan qof milatarigu ka soo furteen goobahaa ay ganta ku hayaan mitidiinta Islaamintiita ahi.

Laakiin isla markii ciidanku soo furteen ba hadana waxa xidhay xoogaga nabad gelyada oo dakda ay qabtaan ka baadha taageerayaasha dagaalyahannada Boko Xaraam halkaas oo dad bandanna ay isla markiiba sii daayaan halka ay kuwo kalena u xidhnaadaan bilo.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in bishii Sebtember ay ciidamada nabad gelyadu sii daayeen in ka badan afar boqol oo caruur ah oo ay xabsiga ku hayeen.

Saraakiisha Nigeria ayaa defaacay sidan ay wax u wadaan ciidamada nabadgelyadu, waxaanay sheegeen in dadkaa la xidho laga shakisanyahay in ay duufsadeen Boko Xaraamtu markii ay gacanta ku hayeen goobaha dadkaasi deganyihiin.

Mitidiinta islaamiyiinta ah ayaa iyaguna badanaa caruurta ku qasba in ay u dagaalamaan, oo gabdhahana yaryarna waxay ku dirqiyaan inay is qarxiyaan. Laakiin kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa iyaguna sheegaya in ay waajib tahay in la garowsado in caruurta qudhoodu yihiin dhibbaneyaal colaaddu saameysay oo aan la xidhin bal se ay tahay in ay helaan taageero maskaxeed oo lagaga daweynayo dhibta maskaxda iyo jidhkoodaba soo gaadhay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300