Published On: Sat, Oct 29th, 2016

Meydka nin dhalinyaro ah oo laga helay Magaalada Gaalkacyo

meyda

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya saaka in Magaaladaasi lagu arkay meydka nin dhalinyaro ah oo jirkiisa rasaasta ay ka muuqato.

Meydka ninkaan dhalinyarada ah ayaa la sheegay in lagu arkay agagaarka Suuqa Xero Dayax ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, sida Warbaahinta gudaha ay u xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Waxaa la sheegay qaybaha sare ee jirkiisa ninkaan inay rasaas kaga tiilay, lamana oga cida ku dhufatay xabadaha uu u dhintay ruuxaasi.

Dadka waxa ay sheegeen ninka la dilay inuu ka mid ahaa ganacsatada Suuqa Xero Dayax, balse deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada Koonfureed ee Somaliya.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo weli kama aysan hadlin falkaan dilka ah ee loo geystay ninkaasi ganacsadaha ahaa.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ku dagaalamaayay muddooyinkii dambe ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland, kuwaasi oo ilaa hada isku horfadhiya Magaalada Gaalkacyo.

Puntland ayaa dhowr mar ku eedeysay dadka ka soo jeeda Koonfurta Somaliya inay ka dambeeyay falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ka dhaca Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300