Published On: Sat, Oct 29th, 2016

Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Hirshabelle oo maanta lagu dhawaaqayo

hirshabeelle

Waxaa lagu wadaa Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle in looga dhawaaqo maanta oo Sabti ah xubnaha u tartami doona Aqalka Sare ee Maamulkaasi.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa wadatashiyo ku aadan xubnaha Aqalka sare ee Maamulkiisa ka soo gelaayo.

Wadatashiyada oo soo dhamaaday, ayaa la filayaa in maanta lagu dhawaaqo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, kadibna waxaa xigi doona sida Musharaxiintaasi ay u jeedin doonaan khudbahooda ku aadan waxqabadka ay la imaan doonaan.

Maamulka Hirshabelle, ayaa Kuraasta Aqalka Sare qaybsigooda waxaa kaga soo aaday 8 xubnood oo loo qaybin doono beelaha dega Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan oo marka la isku daro ku mideysan Maamulka Hirshabelle.

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle, ayaa Dhacdo.com u sheegay in maalinta beri ah la filaayo Musharaxiinta Aqalka Sare inay jeediyaan Khudbadahooda ku aadan Musharaxnimada.

Xildhibaanada ayaa maalinta Isniinta ah soo dooran doona 8 Xubnood ee xilkaan u taagan, inkastoo uu jiraayo tartan ay galayaan.

Horay waxaa xubnaha Aqalka Sare u soo doortay Maamulada Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300