Published On: Sat, Oct 29th, 2016

FBI-da oo dib u cusbooneysiisay baaritaanka Hillary Clinton

hillarr

FBI-da Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday inay dib u cusbooneysiisay Baaritaankii lagu haayay Musharax Hillary Clinton, xilli horay ay u shaacisay FBi-da inuu dhamaaday Baaritaankaasi.

Agaasimaha Hay’ada FBI-da James Comey, ayaa warqad qoraal ah uu u diray Xubnaha Congress-ka Mareykanka waxa uu ugu sheegay in la helay Emailo cusub, taasina ay sabab u noqotay Baaritaanka oo dib loo bilaabo.

Warqada uu u qoray Golaha Congress-ka oo uusan faah-faahin badan ka bixin, ayaa wuxuu ku cadeeyay kaliya in la helay Emailo cusub, baaritaankana dib uu u biloowday.

Tani waxa ay saameyn ku yeelanaysa Ololaha Musharax Hillary Clinton, xilli 11 cisho kaliya ay ka harsan tahay Doorashada Madaxtinimada dalka Mareykanka.

Waxa la sheegayaa in emailladan si lama filaan ah ay uga soo baxeen baadhitaan kale oo lagu wadey Anthony Weiner oo ah ninka ay u dhaxday Huma Abedin oo ah haweenay kaaliye u ahayd Hillary Clinton.

Donald Trump oo ay farxad weyn gelisay Hadalkaan cusub ee ka soo yeeray FBI-da, ayaa wuxuu u sheegay taageerayaal xamaasadaysan oo uu la hadlayey in hab dhaqanka haweenayda ay loolamayaan halis geliyey nabadgelyada Maraykanka.

Weli kama aysan hadlin Clinton, baaritaankaan cusub ee dib ay u bilaabeen FBI-da.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300