Published On: Sat, Oct 29th, 2016

Duqa Muqdisho “Xasan Sheekh inuu mar kale guuleysto ayaa iiroon

uqa

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay inuu doonaayo mar kale kursiga talada inuu ku soo laabto Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Somaliya.

Duqa Muqdisho oo ka qaybgalaayay Barnaamij looga hadlaayay waxqabadkiisa, oo ka baxay Tv-ga Somali Cable, ayaa mid ka mid ah ka qaybgalayaashii Barnaamijka wuxuu weydiiyay su’aal ku saabsaneyd in Xasan Sheekh Maxamuud uu u ololeynaayo iyo in kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhoola cadeynaayo, ayaa sheegay Afar sano ka hor inuu ahaa qof u ololeynaayay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaasi ahaa Guddoomiyihii Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP, balse hada uu yahay Duqa Muqdishana ay u roon tahay mar kale inuu Xasan Sheekh kursiga talada ku guuleysto.

“Horta waa runtiisa Afar sano ka hor waxaan ahaa raggii u ololeynaayay Xasan Sheekh Maxamuud, xisbigii aan ka wada tirsaneyn, ayaan ka ahaa Xoghaye arimaha Gudaha kadibna, Guddoomiye iyo Musharax inuu noqdo ayaan u dooranay inaan la shaqeeyo, waxaan igu qasbaayay xilkaan haayay iyo waxa naga dhaxeeyay, Alxamdulilaah waa uu ku guuleystay, saddex sano kadibna aniga Gobolka Banaadir ayaan masuul ka noqday, markaa hadii aan kaftamo Xasan Sheekh inuu soo laabto iyo cid cusub inay timaado, Xasan Sheekh inuu soo laabto ayaa ii roon aniga.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo muujiyay sida rabitaanka uu u yahay inuu mar kale soo laabto Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay inuusan meel uga dhaceyn xuquuqda Musharaxiinta ku sugan Magaalada Muqdisho.

“Hadana waxaan leeyahay Xuquuqda Musharaxiinta Somaliyed ee u tartamaya xilka Madaxtinimada Somaliya, meelna uga dhici maayo, mana colaadinaayo masuuliyad ayaa iga saaran.”

Bil kadib ayaa la filayaa inay Somaliya ka dhacdo Doorashada Madaxtinimada dalka oo ay u loolamayaan Musharaxiin ka badan 10 Musharax oo kursigaan u hanqal taageysa mid waliba inuu ku guuleysto.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300