Published On: Sat, Oct 29th, 2016

C/Weli Gaas oo su’aalo adag la weydiiyey. (Dhegeyso)

gaas1

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa su’aalo kala duwan waxa ay weydiiyeen madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta hortagay xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

Su’aalaha la weydiiyay madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sababta Ciidanka maamulka Puntland ay weerar ugu qaadi la’yihiin kooxda Daacish oo gacanta ku haysa Magaalada Qandala muddo dhowr maalmood ah.

Sidii maamulka Puntland ay gacanta ugu dhigi la haayeen Magaalada Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool , islamarkaana ay gacanta ku hayaan maamulka Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Gaas oo Su’aalahaasi ka jawaabaayay ayaa sheegay in maamulka Puntland ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan Kooxda Daacish iyo sidoo kale Al-Shabaab oo uu sheegay in ay weerar kusoo qaadeen deegaanada maamulka Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay difaacato dhulkeeda , islamarkaana ay iska difaacdo cidwalba oo weerar kusoo qaada.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqay madaxweyne Gaas in uu ka dhabeeyo balan qaadkii uu sameeyay markuu ahaa musharax madaxweynaha Puntland , balanqaadkaas oo ahaa in uu soo celin doono Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay maamulaan Somaliland.

HOOS KA DHEGEYSO.


Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300