Published On: Fri, Oct 28th, 2016

Xaalad adag oo la soo deristay Qaxootiga Dhadhaab

dhadhaab

Sida ay ku waramayaan warbaahinta gudaha ee dalka Kenya waxaa laga deyrinayaa xaalada cafimaad ee ay ku nool yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Dhadhaab.

Warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in goobaha Caafimaad, Waxbarasho iyo sidoo kale nolosha Qaxootiga Soomaaliyeed ay hoos u dhacday.

Kumanaan Qaxooti Soomaliyeed ah ayaa hada dalka dib ugu soo laabtay tan iyo markii dowladda Kenya ay shaacisay in ay xireyso xerada Dhadhaab oo ah xerada ugu weyn ee ay ku nool yihiin Qaxootiga Aduunka.

Qaar ka mid ah waalidiinta ku nool xerada Dhdhaab ayaa warbaahinta u sheegay in caruurooda aysan heysan Waxbarsho ku filan sidoo kalena xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay weerarada Shabaab ay ka geystaan dalka Kenya in laga soo abaabulo xerada Dhadhaab, waxaana arintaasi ay keentay in Qaxootiga laga soo raro xerada Dhadhaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300