Published On: Fri, Oct 28th, 2016

Masuul ka tirsanaa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Muqdisho ku geeryoodey.

xeer-ilaaliyaha-labaad-ee-qaranka-1i

Allaha unaxariistee Xeer Ilaaliye ku xigeenkii Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida C/laahi Xuseen Mayoonge ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku geeryoodey, kadib muddo bil ah oo uu la xanuunsanayay dhaawac ay Degmada Warta-nabadda ugu geysteen kooxo hubeysan.

Geerida xeer Ilaaliye ku xigeenkii Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida C/laahi Xuseen ayaa waxaa Idaacadda Risaala u xaqijiyay mid ka mid ah Ehelada Marxuumka.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan tacsiyeen geerida Xeer Ilaaliye ku xigeenkii Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida C/laahi Xuseen.

26-kii Bishii September ee sanadkan ayay aheyd markii kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dhaawaceen Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, kadib markii Gaari uu watay lagu horjaray Gaari kale, sidaasina rasaas loogu furay.

Warka laga qorey Maalintii uu dhaawacmey:

Warar goor dhaw ina soo gaaray magaalada muqdisho ayaa sheegaya in maanta kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garan ay weerar ku qaadeen kuna dhaawaceen Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka ee Somaliya C/laahi Xuseen C/laahi Xuseen Mayoonge.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay isgoyska Xararyaale degmada warta nabadda, kadib markii koox hubaysan oo watay gaari ay rasaaseeyeen gaarigii uu watay xeer Ilaaliye ku xigeenka maxkamada ciidamada qalabka sida.
Masuuliyiinta dhanka ammaanka ee degmada warta nabadda ayaa sheegay in lagu raadjoogo ragii ka dambeeyay falkaasi lagu dhaawacay Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ciidamada nabad suggida iyo kuwa booliska ayaa soo gaaray goobta uu weerarku ka dhacay waxa ayna iminka baaritaan ku wadaan sidii ay wax u dhaceen iyo dhagaysiga marqaatiyaashii goobta ku sugnaa markii uu weerarku dhacayay.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300