Published On: Fri, Oct 28th, 2016

C/xakiin Fiqi “Beesha Caalamka raali ka ahan dib u dhiska Ciidanka XDS”

fiqi

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxa uu sheegay Beesha Caalamka in aysan raali ka aheyn in la helo dib u dhiska Ciidan Qaranka Soomaaliya uu leeyahay.

Waxa uu sheegay Ciidanka Itoobiya ee ka baxay qeybo ka mid ah Soomaaliya in ay culeys ku tahay shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena qatar ay ku keeni karto.

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Beesha Caalamka in ay dhaqaale badan ku bixiso Ciidanka AMISOM, balse aysan marnaba dan ka laheyn Ciidanka Qaranka in dib udhis ay ku sameyso.

Ugu dambeyntii Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka shaqeyso sidii Soomaaliya ay u heli laheyd Ciidan dhameystiran.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300