Published On: Wed, Oct 26th, 2016

Daacish oo la wareegtay Qandala iyo Puntland oo ka hadashey.

daacish2

Kooxda Daacish  ayaa si buuxda ula wareegtay deegaanka  Qandala ee Gobolka Bari , ka dib weerar ay saaka kusoo qaaday deegaankaasi.

Ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan deegaanka Qandala ayaa u sheegay warbaahinta in Daacish ay qabsaday deegaanka Qandala ,islamarkaana ay iskaga baxeen ciidamadii maamulka Puntland ee halkaasi ku sugnaa.

Dadka Deegaanka ayaa cabsi badan ay soo wajahday, waxaana dadka qaar ay ka barakaceen guryahooda.

Saraakiisha maamulka Puntland ayaa wali faahfaahin ka bixin kooxda saaka la wareegtay deegaanka Qandala ee gobolka Bari.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha degmada Qandala oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in Daacish ay qabsaday degmada Qandala ,islamarkaana ay iskaga baxeen ciidamadii maamulka Puntland ee halkaasi ku sugnaa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulka degmada ay iskaga carareen degmada ka dib markii kooxdaasi ay soo gashay inta badan xaafadaha Magaalada Qandala ee gobolka Bari.

Jaamac Axmed Khuurshe ayaa sheegay in kooxda daacish ay calankeeda ka taagatay inta badan xarumaha maamulka degmada Qandala ee gobolka Bari.

Dadka Deegaanka ayaa cabsi badan ay soo wajahday, waxaana dadka qaar ay ka barakaceen guryahooda.

Magaalada Qandala ayaa ka mid ah Magaalooyinka ugu muhiimsan Puntland , waana magaalo xeebeed Boosaaso u jirta 75 Km dhinaca bari.

Markacadeey

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300