Published On: Tue, Oct 25th, 2016

Warbixin: Qarax ka dhacay Beledweyne iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo…

qarax-beledweyne1-480x320

Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari xamuul ah oo Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin halkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay in Qaraxa uu ahaa mid xoogan lagana maqlay xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Beledweyne.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaanan ilaa iyo hada faah faahin ka bixin weerarka ku bilowday Qaraxa, ee lagu qaaday saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin halkaasi.

War Shabaab ay ku soo qoreen Baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 17 Askari oo ka tirsan Ciidanka Jabuuti.

Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay galbeedka magaaladda Beledwyeyne.

“ Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falka arga-gixisada. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxaan Eebbe uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxeynaha Soomaaliya oo la hadlay Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle , ayaa kaga tacsiyeeyey qasaarahii uu geystay qaraxa Beledweyne ee ay nabad-diidka geeysteen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha Nabad-diidku ay ku howlan yihiin dhibaateynta dhacabka, halka Dowladduna ay ku howlan tahay sidii shacabka loogu horseedi lahaa nabadeyn, horumar iyo barwaaqo.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300