Published On: Tue, Oct 25th, 2016

Waa Sidee xaalada Magaalada Gaalkacyo saakey.

gaalkacyo

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay Saaka tahay mid degan , waxaana xalay Magaalada iskaga baxay dadkii ugu dambeeyay ee ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.

Shalay ayaa magaalada waxaa ka dhacay dagaal culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkaasi ayaa waxaa loo qaaday isbitaalada ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Wada hadaladii u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu markale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300