Published On: Tue, Oct 25th, 2016

Danjiraha Somaliya ee boqortooyada Sacuudi Caraabiya oo soo dhoweeyey dhaawacyo caafimaad loo keeney Riyadh

bukaan2

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga Mudane Daahir Maxamud Geelle oo ay la socdaan ku xigeenkiisa mudane Salim Macow Xaaji iyo Xoghayaha 3aad Mudane Cabdullahi Ibraahim Adan ayaa garoonka militeriga ee Boqor Salmaan ee magaalada Riyadh ku soo dhoweeyey dadkii ku dhaawacmey qaraxyadii kala duwanaa ee waayahan dambe ka dhacey magaalada Muqdishu.

Waxaa sidoo kale garoonka goob joog ka ahaa mas’uuliin ka socotey dowlada Sacuudiga oo ka qeyb galey soo dhoweynta bukaanada la keeney.
Dadka la keeney oo ay tiradooda gaareysey 16 bukaan, ayaa ka koobnaa kuwa gaarey dhaawacyo culus oo aan wax loogu qaban karin cusbataalada Soomaaliya.
Dadkan ayaa Soomaaliya loogu soo qaadey dayaarad khaas ah oo ay la socdaan taqaatiir kuna qalabeysan qalabka caafimaadka oo ay udirtey Hey’ada Iqaadada ee Boqor Salmaan oo fadhigeedu yahay magaalada Riyadh. Arintaasi ayaa ka dambeysey codsi ay dowlada Soomaaliya u gudbisey dowlada Sacuudiga. Bukaanada marka ay soo degeen ayaa loo qeybiyey afar cusbataal oo ku yaal magaalada Riyadh.
Danjire Daahir Maxamud Geelle ayaa si weyn ugu mahadceliyey Boqorka dalka Sacuudiga iyo ku-xigeenadiisa iyo shacabka Sacuudiga sida ay markastaba gacan ugu geystaan taakuleynta dadka ku dhaawacmada qaraxyada ka dhaca Somaaliya, asagoo xusey dhaawacyo horey loogu daaweeyey cusbataalada dalka Sacuudiga.
bukaan3 bukaan4 bukaan5 bukaan6 bukaan7 bukaan8 bukaan9

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300