Published On: Mon, Oct 24th, 2016

Wararkii ugu dambeeyay Dagaaladii Magaalada Gaalkacyo.

gaalkacyo

Dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka socday Galbeed Magaalada ayaa joosaday , waxaana ka dhashay khasaaro isku jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaan ayaa ahaa midkii ugu xooganaa ee ka dhacay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo tan iyo markii ay bilowdeen Dagaalada u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaafiic culus oo ay adeegsadeen labada dhinac ayaa waxa ay burbur xoogan gaarsiisay dhismayaal ku yaalla Waqooyiga iyo sidoo kale Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 7 ruux ayaa ku dhimatay halka ay ku dhawaacmeen in kabadan 20 ruux.

Xaalada Magaalada ayaa hada Degan , waxaana mararka Qaar laga maqlaya xaafadaha magaalada Gaalkacyo rasaas rasaas goos goos ah oo ay ridayaan ciidamda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300