Published On: Mon, Oct 24th, 2016

Dowladda Norway soo celinaysa dad Soomaaliyeed

noorwey

Waaxda Socdaalka dowladda Norway ayaa sheegtay in ay  dib u soo celin doonto Qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in dadkaan ay haboon tahay in dib loogu celiyo dalkooda , madaam waaxda Socdaalka dalkaasi ay sheegtay in Soomaaliya ay amaantahay.

Waaxda socdaalka ayaa ku dhawaaqday in ay  dib u eegi doonto sharciga  la siiyey dad Soomaali ah oo gaaraya 1,600 qof oo  ku nool Qaar ka mid ah gobolada dowladda Norway.

120 qof  oo ka mid ah dadkaasi ayaa mar hore loo direy warqada digniinta sharci kala noqoshada ee dalka Norwey.

Sylvi Listhaug waa Wasiirada arrimaha soo galootiga dowlada Norway, waxaana ay sheegtay in tilaabadaan ay timid ka dib markii ay bateen dadka Qaxootiga ah ee ka imaanaya dalalka Qaarada Afrika , islamarkaana soo gaaraya gudaha dalka Norway.

Dadka ay sheegtay in ay soo celinayso dowladda Norway ayaa badankooda waxa ay sharciyada heleen sanadkii 2012 kii sida ay sheegtay Wasiirada.

Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway ayaa cambaareeyay tilaabada ay qaaday dowladda Norway, waxaana ay sheegeen in dadkaasi aysan ku laaban karin Soomaaliya sababo la xariira amaankooda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300