Published On: Sun, Oct 23rd, 2016

Madaxweynaha Hirshabelle: Ciddii kursi ka rabta Aqalka Sare, Jowhar ha timaado anagaa joogno

madaxweynaha-hiirshabelle

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa muujiyay in Xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe in lagu soo xulaayo Magaalo madaxda Maamulka Hirshabelle ee Jowhar.

Wareysi uu siiyay Idaacadda BBC laanta Afka Somaliga, ayaa Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, waxa uu cadeeyay in xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deeganada Maamulkaasi ay yihiin kuwa lagu soo dooran doono Magaalada Jowhar.

Waxa uu sheegay dadka daneynaya arintaasi ee doonaya inay kursi ka helaan Aqalka Sare inay tagaan Magaalada Jowhar oo ay ku sugan yihiin Madaxda Maamulka Hirshabelle.

“Qofkii qaadi kara masuuliyad ee daneynaya inuu helo Kursi Aqal Sare ah ha yimaado Magaalada Jowhar, anagaa ayaa joogno, Jowhar waa Magaalo madaxda Maamulka Hirshabelle.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Cali Cabdulaahi Cosoble oo shalay uun lagu caleemo saaray Magaalada Jowhar, ayaa wajahaya caqabado fara badan oo dhanka Qabaa’ilka ah, maadaama ay jiraan qabiilo badan oo sida wax loo qaybsaday ka soo horjeeday, kuwaasi oo u baahan in la xaliyo.

Xildhibaanada Aqalka Sare ka imaan doona ee Hirshabelle, ayaa waxaa soo dooran doona Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ee fadhigooda uu yahay Magaalada Jowhar, waxaana taasi ay meesha ka saareysa damaca Odayaasha reer Hiiraan ee ku aadan in xubnaha Aqalka Sare laga soo doorto Magaalada Baledweyne.

Inta badan Odayaasha reer Hiiraan, ayaa taageeray Dhismaha Maamulka Hirshabelle, marka laga reebo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo weli ku adkeysanaya mowqifkiisa ah inuusan taageersanayn Maamulkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300