Published On: Sun, Oct 23rd, 2016

Booliska Jarmalka oo Baaraya Soomaali Dabaq iska soo tuuray

epaselect GERMANY MIGRATION REFUGEES CRISIS

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa baahisay in ciidanka ammaanka gobolka  Thuringia ee dalka Jarmalka ay bilaabeen baaritaano ku aadan  sabaha keenay in wiil Soomaaliyeed uu iska soo tuuro dabaq.

Maalintii Jimacaha aheyd ayaa warbaahinta dalkaasi waxa ay baahiyeen in wiil Soomaaliyeed oo qaxooti ku ahaa gobolka  Thuringia  ee dalka Jarmalka uu iska soo tuuray Dabaq weyn oo uu kunoolaa.

Taliyaha ciidanka Booliska ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay baaritaano ku wadaan dad lagu tuhmaayo in ay wiilkaasi ay ku dhiira galiyeen in uu dabaqa iska tuuro.

Taliyaha ciidanka Booliska ayaa sidoo kale ku hanjabay in ay tilaabo ka qaadi doonaan cidii ku diiragalisay wiilka Soomaaliga ah  oo da’diisa lagu sheegay 17 sano jir in uu dabaqa iska tuuro.

” Waxaan helnay xog muhiim ah oo ah in marka uu wiilkaasi dabaqa iska soo tuuray ay hortiisa joogeen dad badan oo daawanayay , dhacdaan waxaa ka dambeeyay dadka deriska la ah wiilkaasi ” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha gobolka Thuringia Sven Schrade.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa hadalkaasi intaasi ku siidaray in baaritaanada lagu ogaanayo xogta wiilkaasi ay sare u qaadaan ciidanka Booliska.

Sanadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Jarmalka Gaaray kumanaan muhaajiriin ah , kuwaa soo la sheegay in aysan daryeel wacan ka helin dowladda Jarmalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300