Published On: Sun, Oct 23rd, 2016

Axmed Madoobe oo gaaray Isutaga Imaaraadka Carabta (SAWIRRO)

imaaraadka-1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Somaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa gaarey magaalada Abu dhabi ee xarunta Isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi ayaa waxaa kusoo dhaweeyey safiirka Imaaraadka carabta u fadhiya Somaliya Maxamed Al.Cuthmani iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Imaaraatka carabta.

Safarkan uu madaxweynuhu kutagey Abu dhabi ayay ujeedadiisu tahay kawada xaajoodka dhamaystirka mashaariic horUmarineed oo ay Imaaraatka carabtu kawadaan Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo sida dib u dhiska Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo , Xarunta tababarka ciidamada iyo goobo waxbarasho oo dhismahoodu gabo gabo marayo oo muhiim u ah bulshada magaalada Kismaayo.

Maadaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu safarkiisa soo gaabin doono maadaama waqtigii doorashada dalku ay gabo gabo mareyso .

Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah Dowladaha taageerada kala duwan siiya Somaliya, iyadoo xilligaan Imaaraadka ay bixiyaan qayb ka mid ah Mushaaraadka ciidanka Xooga dalka Somaliya.

Jubbaland iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, iyadoo dhowr mar Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliya uu tagay Magaalada Kismaayo.

Halkaan hoose ka daawo sawirada

imaaraadka-2 imaaraadka imaaraadka-1

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300