Published On: Sun, Oct 23rd, 2016

AMISOM oo la geeyay Cadaado

amiso

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Magaaladaasi la geeyay Askar ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidanka AMISOM ee Cadaado la geeyay ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay 70 Askari, waxaan ay ka kala socdeen wadamada Jabuuti iyo Burundi oo Askartooda ay joogaan Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in qorshohooda yahay in la geeyo Cadaado Askar gaareysa 400, balse maanta ay Magaalada tageen Qeybtii ugu horeysa ee Askarta.

Ujeedka Ciidanka AMISOM ee loo geeyay Magaalada Cadaado ayaa ah sidii ay u sugi lahaayeen Amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Maamulka Galmudug.

Madasha Wadatashiga Qaran ayaa horey isugu raacay in Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud la geeyo Askar ka tirsan Ciidanka AMISOM.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300