Published On: Sun, Oct 23rd, 2016

Al-Shabaab oo sheegtay in ay weerareen degmada Afmadoow

afmadoobe

Sida lagu daabacay warbaahinta ku hadasha Afka  Al-Shabaab dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada  Dhexe.

Dagaalka ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada  Dhexe , waxaana uu soo gaaray saaka aroortii sida ay sheegteen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ciidankood ay gudaha u galeen gudaha degmada Afmadoow , islamarkaana ay qabsadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan degmada Afmadoow.

Majirto wax war oo kasoo baxay ciidanka dowladda Kenya iyo sidoo kale saraakiisha maamulka Jubbaland ee ku aaday sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay weerareen degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada  Dhexe.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300