Published On: Sun, Oct 23rd, 2016

Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Halgan

halgan

Al- Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka  Halgan ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay ciidamadda Ethiopia ee AMISOM ay ka baxeen deegaankaas oo ay gacanta ku hayeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda u maamulaayaan gacanta ku heynta deegaanka Halgan oo ay saaka ka baxeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka dowladda Itoobiya .

Ciidamada Ethiopia ayaa dabayaaqadii bishii September ka baxay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana ay sidoo kale ka baxeen deegaanka Ceel Cali oo Baledweyne u jira 75 km.

Deegaanka Halgan ayaa Qiyaastii 45-KM wuxuu u jiraa Degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan, waxaana uu ku yaalaa deegaankaan wadada xiriirisa Baledweyne iyo Buulo burte.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababaha ugu wacan ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300