Published On: Sat, Oct 22nd, 2016

Maxaa Maanta ka cusub Magaalada Jowhar?

jowhar

Amaanka Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana maanta  lagu wadaa in uu ka dhaco caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.

Ciidamo dheeraad ah oo Muqdisho ka tagay ayaa gaaray Magaalada Jowhar si ay u sugaan Amniga Magaalada, waxaana wadooyinka waa weyn ee Magaalada Jowhar la soo dhoobay Ciidamo badan.

Qaban qaabo ku aadan caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa ka socota Magaalada Jowhar, waxaana gabi ahaanba si weyn loo adkeeyay Amniga xarunta lagu wado in uu ka dhaco caleemo saarka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madax ka socota Maamulka Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan caleemo saarkan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300