Published On: Sat, Oct 22nd, 2016

Caleema Saarka Madaxda Hirshabeelle oo Jowhar ka socota

calan-hirshabeelleCaleema Saarka Madaxweynaha iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Caleema saarka waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan , Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan , gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Wafdi ka socda Beesha Caalamka, iyo sidoo kale Qaar ka mid ah ururada Bulshada rayidka ah.

Madaxda ayaa halkaasi ka jeedinaya Khudbado kala duwan oo ay kaga hadlaayaan caleema saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Cali Cabdulaahi Guudlaawe.

Shirka waxaa ka maqan Qaar ka mid ah Waxgaradka gobolka Hiiraan oo maanta Shir ay ku qabteen Baledweyne ku sheegay in aysan taageersaneyn maamulka Hirshabeelle.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa diiday in uu ka qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle oo hada ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamo dheeraad ah oo Muqdisho ka tagay ayaa gaaray Magaalada Jowhar si ay u sugaan Amniga Magaalada, waxaana wadooyinka waa weyn ee Magaalada Jowhar la soo dhoobay Ciidamo badan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300