Published On: Fri, Oct 21st, 2016

Laba qof oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

magaaladda-mugadisho

Laba nin oo middi uu Nabadoon yahay, ayaa waxaa xalay siyaabooyin kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho, iyadoo cidda dishayna lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.

Nabadoon Maxamed Tarabi Shiikhow oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee laga garanayo Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa abaarihii Salaadda Maqrib lagu dilay xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Degmada Yaaqshiid, haweeneyda lagu magacaabo Shukri Xuseen, ayaa waxay xaqiijisay in Nabadoonku lagu dilay Suuq Bacaad, xilli uu doonaayay in gaadiidka dadweynaha uu ka raaco.

Shukri Xuseen oo la hadashay Idaacadda Kulmiye, ayaa dilka Nabadoon Maxamed Tarabi Shiikhow ku eedeysay Ururka Al Shabaab, iyadoona xustay inaysan garanayn waxa keenay inay dilaan.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Yaaqshiid, Maxamed Yuusuf Nuur oo isna la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa sheegay inay wadaan hawlgalo ay ku baadigoobayan dembiile-yaasha.

Dhanka kale waxaa xalay xaafadda Macalin Nuur ee Degmada Dharkiinley lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Gacal, oo sida la sheegay ka tirsanaa Ciidamada Militariga Somaliya.

Rag hubeysan, ayaa wadada u galay ninkaasi, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa oo ku yaala Degmadaasi Dharkiinley, iyagoona dhawr xabadood kaga dhuftay qaybaha kore ee jirkiisa.

Dembiile-yaasha, ayaa dilka ka dib waxaa u suurtagashay in ay ka baxsadaan goobtii ay ku dileen, oo daqiiqado ka dib ay gaareen ciidamada ammaanka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300