Published On: Thu, Oct 20th, 2016

Xaalada Gaalkacyo oo saakay degan

xiisad

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, kadib markii shalay Magaalada laga maqlayay Rasaas goos goos ah.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in xaaladu saakay ay tahay mid degan, maadaama la arkayo dad tiro yar oo xaafadaha qaar ee Magaalada Gaalkacyo dhex socda.

Waxgaradka Puntland iyo Galmudug ayaa sameynaya wada hadalo lagu heshiisiinayo labada dhinac, si looga fakaro shacabka ku nool Gaalkacyo oo dhibaatooyin badan horey u soo arkay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa dhowaan waxaa ku dagaalamay Maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo ka kala arimiya Galbeedka iyo Koonfurta Magaalada, waxaana Dagaaladaasi ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300