Published On: Thu, Oct 20th, 2016

Xaalada Afgooye oo saakay degan

afgoye

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, kadib Dagaal maalin ka hor ka dhacay Degmadaasi.

Wariyaha Risaala ee Degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in saakay xaaladu ay tahay mid degan, maadaama dadka Degmada ay bilaabeen Howlahooda nolol maalmeedka.

Ciidamo dheeraad ah oo  ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo shalay la geeyay Degmada Afgooye ayaa saakay lagu arkayaa wadooyinka waa weyn ee Degmadaasi, si ay u sugaan Amniga.

Maalintii Talaadada ayay aheyd markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay mudo saacado ah heysteen Degmada Afgooye, kadib weerar Qarax ku bilowday ay ku soo qaadeen saldhiga Degmada Afgooye, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300