Published On: Thu, Oct 20th, 2016

Wariye Xamze Maxamed oo laga siidaayay Xabsiga

wariye-xamza

Dowladda Soomaaliya ayaa siideysay Wariye Xamze Maxamed oo ka tirsan TV-ga Al-Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar.

Xamze,Sawirqaade,Wadihii gaariga iyo qof kale ayaa lagu xiray labo Habeen ka hor Koontroolka Balcad ee Magaalada Muqdisho.

Faah faahin rasmi ah laga bixin sababta loo xiray Wariyaha inkasta oo Warar soo baxaya ay sheegayeen in lagu heystay in Wariyaha uu la kulmay madax ka tirsan Al-shabaab.

TV-ga Al-Jaziira,ayaa baahiyay in Xamze,looga diray Soomaaliya in uu howl ka soo qabto islamarkaana ay soo gaartay in la xiray.

Waxaa ay sidoo kale hadda baahiyeen siideynta Wariye Xamze Max’ed,iyo saaxiibadii la shaqeynyay ee lala xiray,sidoo kale ma aysan baahin sababta loo xiray.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300