Published On: Thu, Oct 20th, 2016

Howlgal ballaaran oo ka socda Degmada Afgooye

baarlamaanka

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya ciidamada Dowladda inay wadaan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo, sidoo kalena lagu baadigoobaayo xubno Shabaab ka tirsan.

Xaafadaha Degmada Afgooye oo howlgalka ka socda, ayaa waxaa la sheegayaa inuu hakiyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka, waxaana ciidamada ay baarayaan lix Xaafadood oo ka mid ah Xaafadaha Degmada Afgooye.

Ciidamada NISA ayaa hormuud ka ah howlgalka ka socda Magaalada Afgooye oo maalin ka hor Ururka Al Shabaab weerar qorsheysan ay ku qaadeen, kadibna Xaafado badan oo Degmadaasi ka tirsan ay la wareegeen.

Ciidamada howlgalka wada oo dad badan soo qabtay ayaa weli ku guda jira howlgalka ammaanka la xiriira ee ka socda Magaalada Afgooye, iyadoo Saraakiisha ammaanka ay sheegeen inay faah-faahin ka bixin doonaan howlgalka marka uu soo dhamaado.

Dowladda Federalka Somaliya ayaa shalay Magaalada Afgooye waxa ay geysay ciidamo badan oo qaybaha kala duwan ee Dowladda isugu jira si ay u xaqiijiyaan ammaanka Degmadaasi.

Shabaab ayaa tijaabiyay awooda ciidanka ku sugan Degmada Afgooye, kadib weerarkii maalin ka hor halkaasi ka dhacay, iyadoo la soo sheegaayo Shabaabka inay ku sugan yihiin meel aanan ka fogeyn Degmada Afgooye.

Dadka reer Afgooye ayaa xilligaan dareemayaa cabsi xoogan oo ku aadan in saameyn uu ku yeesho howlgalka ay wadaan ciidamada ammaanka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300