Published On: Thu, Oct 20th, 2016

Haweeney sedex rag ah kaga guuleysatey kursigii 10-aad ee Aqalka Sare ee Federaalka oo baarlamaanka Puntland

siciido1-480x319

Loolan adag iyo cod bixin saddex wareeg qaadatay ayaa lagu guuleystay kursigii 10-aad ee Aqalka Sare ee Federaalka oo baarlamaanka Puntland ay u codeeyeen.
Siciido Xasan Cismaan ayaa ku guuleysatay kursigan, iyadoo ka adkaatay saddex musharaxiin rag ah oo kula tartamay kursiga, isla markaa saddex wareeg la isla gaaray, wuxuuna ahaa kursigii ugu adkaa intii ay socotay Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Puntland u coddeeyo maanta.

Wareegii koowaad: Waxaa tartamay musharixiinta kala ah:

Axmed Cabdalla Tigaana
Siciido Xasan Cismaan
Siciid Maxamuud Aadan
iyo Maxamed Maxamuud Cali Bile.
Wareega kowaad waxay kala heleen: Saciido :22 cod, Axmed Tigaana:16 cod, Siciid Maxamuud: 23 cod, Maxamed Maxamuud Cali bile: 3 cod.

Wareega labaad: Waxaa ku tartamaya saddexda musharax ee ugu codadka batay oo ah kuwa ugu horeeya:

Wareegii saddexaad ayaa isna natiijadiisii ay noqotay:

Axmed Cabdalla Tigaana: 9 Cod
Siciid Maxamuud Aadan 20 Cod
Siciido Xasan Cismaan 35 Cod

Wareega saddexaad: ayaa lagu kala saaray Siciido Xasan iyo Siciid Maxamuud, waxaa ku guulaystay Siciido Xasan Cismaan oo heshay (41 cod), halka Siciid Maxamuud Aadan uu helay (23 cod).

Siciido ayaa lagu xusuustaa khudbadii ay ka jeedisay Baarlamaanka Puntland, iyadoo tiri:

“Xildhibaanoow waxaa la idul saaray culeyska saddex rag ah ee iga dulqaada”

Markii ay Guuleysatay kadib ayay sheegtay inaysan qiyaasi karin dareenkeeda, lagana qaaday culeyskii oo ay u mahad celineyso Baarlamaanka Puntland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300