Published On: Thu, Oct 20th, 2016

Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashada oo lacag ku soo rogay cabashada musharixiinta.

 

guddiga_doorashada

Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka dadban ayaa la howlgeliyay iyadoo shalay wakiilada Beesha caalamka ay kulan la qaateen.

Gudigan oo ka kooban 25 xubnood ayaa qaban doona dacwooyinka ka yimaada arrimaha doorashada iyagoo awood u leh inay go’aan ka gaareen dib u celinta doorashada kuraasta la isku soo dacweeyo ama cabasho ka timaado.

Guddigan ayaa sheegay in cabashada iyo dacwooyinka loo keenayo ay ku xireen shuruud ah in cabasho kasta oo la soo gudbiyo looga baahan yahay musharaxa dacwada qaba inuu bixiyo khidmad lacageed oo dhan $1000 (Kun Doolar).

Lacagtan laga doonayo musharaxa dacwad ka qaba qaabka doorashada ayaa hore loo soo jeediyay inay noqoto $5000 (Shan kun Doolar), taasoo hoos loo dhigay, laakiin dad badan ayaa aaminsan in lacagta lagu xitay mushariixinta cabanaya ay arrinta oo dhan ka dhigeyso mid lacag lagu doonhyo.

Guddiga ayaa ku doodaya inuu ka hortegayo cabashooyin iyo dacwado aan xaqiiq ahayn oo lagu mashquuliyo.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300