Published On: Thu, Oct 20th, 2016

Faah faahin Shil Gaari oo ka dhacay Qardho

shil-gaari

Wararka inaga soo gaaraya Deegaan hoostaga Magaalada Qardho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Gaari oo geystay khasaare.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari nuuca xamuulka ah iyo midka Raaxada oo si xawaare ah ku socday, sida ay sheegeen Dadka Deegaanka.

Inta la xaqiijiyay shilkan ayaa waxaa ku dhimatay 2 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 5 Qof oo kale, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee Magaalada Qardho.

Dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa waxaa loo qaaday isbitaalada ku yaalla Magaalada Qardho, halkaas oo lagu dabiibayo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300