Published On: Thu, Oct 20th, 2016

Dowladda oo sheegtay sababta loo xiray Suxufiyiinta Al-Jazeera inay tahay la kulanka Saraakiil Shabaab ka tirsan

dowladda

Dowladda Federalka Somaliya, ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadashay Xariga ciidamada NISA ay u geysteen Labo Wariye oo ka shaqeeya Tv-ga Al-Jazeera iyo Darawal gaariga u kaxeynaayay.

Suxufiyiintaan oo laga xiray duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sababta loo xiray waxa ay Dowladda ku sheegtay inay dalka soo galeen, iyadoo aysan ka war hayn Dowladda Federalka Somaliya.

Sidoo kale Dowladda Somaliya ayaa sheegtay Xogaha la helaayo inay sheegayaan in Suxufiyiintaasi ay la soo kulmeen Xubno Shabaab ka tirsan oo ay ugu tageen Deeganada Shabaabka ay maamulaan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay inuu socdo Baaritaanka ku aadan xubnaha ay la soo kulmeen Suxufiyiintaasi, islamarkaana Hay’adaha ammaanka Dowladda ay su’aalo weydiinayaan.

Maareeye ayaa xusay deegaano fog fog oo Shabaabka ay maamulaan inay tagaan Suxufiyiintaasi, iyaga oo aanan ku wargelin Dowladda, sidoo kalena aanan la ogeyn xilliga dalka ay soo galeen.

Waxa kale uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliya Suxufiyiintaasi inay doonayeen inay dalka ka baxaan, iyaga oo wata xog hal dhinac ah oo ay iska qarinayaan dhanka Dowladda Federalka Somaliya.

Warbaahinta oo ah mid madaxbanaan, islamarkaana xaq u leh inay war ka soo duubaan dhinac kasta oo dalka ka jira, ayaa xilligaan waxaa jirta culeys badan oo ay kala kulmayaan Dowladda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300