Published On: Thu, Oct 20th, 2016

Dib u dhac ku yimid Caleemo saarka Madaxda Hirshabeelle

dib

Madaxda cusub ee Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu waday in lagu caleemo saaro Magaalada jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu doortay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa Munaasabada lagu dooranayay Madaxda Hirshabeelle ka sheegay in caleemo saarka uu dhacayo Khamiista maanta ah.

Dib u dhac ayaa ku yimid caleemo saarka Madaxda cusub ee Hirshabeelle waxaana dib loo dhigay Labo maalin, iyadoo la filayo in ay dhacdo maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa loo doortay Cali C/laahi Cosoble, halka ku xigeenkiisa loo doortay Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe).

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa hada ku sugan Magaalada Muqdisho oo uu shalay soo gaaray waxaana la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300