Published On: Thu, Oct 20th, 2016

C/raxmaan Faroole oo ku guuleystay kursiga 2-aad Aqalka Sare ee Puntland

c-raxmaan-faroole

Madaxweynihiii hore Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ku guuleystay kursiga Labaad ee Aqalka Sare Deeganada Maamulka Puntland.

C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland ayaa ku soo baxay codad fiican, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Kursiga Aqalka Sare ee uu u tartamaayay Madaxweynihiii hore Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa soo gaba gaboobay, waxaana loo gudbay Kuraasta kale ee ay u tartamayaan Musharaxiinta kale ee u taagan qabashada Aqalka Sare ee Deeganada Maamulka Puntland.

Xildhibaan Prof Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurille oo kamid ah Baarlamaaka Soomaaliya, ayaa si dirqi ah uga guuleysay Hodan Ismaaciil Cilmi oo heshay 32 cod, halka Jurille helay 33 cod, waxaana uu ku soo baxay kursiga 3-aad Aqalka Sare ee Maamulka Puntland.

Sidoo kale kursiga 4-aad oo ay ku tartameen Farxaan Cali Xuseen iyo Ismaaciil cabdi Giir ayaa waxaa ku soo baxay kursigaasi Ismaaciil Cabdi Giir.

Kursigii ugu horeeyay Aqalka Sare ee maamulka Puntland waxaa ku guuleystay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, kadib markii uu ka adkaaday Haweenay la tartameysay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300