Published On: Thu, Oct 20th, 2016

Baarlamaanka Puntland oo maanta dooranaya Xubnaha Aqalka Sare

puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland, ayaa maanta oo Khamiis ah, waxa ay soo dooran doonaan Xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya deeganada Maamulka Puntland.

Baarlamaanka ayaa shalay dhageystay Khudbado kala duwan oo ay jeediyeen Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Aqalka Sare ee dalka.

Puntland ayaa qaybsiga Aqalka Sare ee dalka waxa ay ka heshay xubno gaaraya 11 xubnood, kuwaasi oo ay u baratamayaan Musharaxiin kala duwan oo doonaya inay ku fariistaan Kursiga Aqalka Sare.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa ka mid ah xubnaha Musharaxiinta ee u taagan qabashada Xilka Aqalka Sare, isaga oo shalay galab gaaray Magaalada Garowe.

Siyaasiyiinta caanka ah ee u taagan qabashada xilka Aqalka Sare ee deeganada Puntland, waxaa ka mid ah C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland iyo Jeneral Moorgan.

Puntland ayaa noqonaysa Maamulkii ugu dambeeyay ee soo doorta Xubnaha Aqalka sare ee dalka, maadaama Maamulada kale ee dalka ka jira ay soo doorteen Xubnihii u matalaayay Aqalka sare, marka laga reebo Maamulka Hirshabelle oo aan weli la cadeyn xubnihiisa aqalka sare.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300