Published On: Wed, Oct 19th, 2016

Nabad Suggida oo xirtay Suxufiyiin ka tirsan Al-Jazeera

breaking

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa duleedka Magaalada Muqdisho, waxa ay ka xireen Suxufiyiin u shaqeeya Tv-ga caalamiga ah ee Al-Jazeera, sida uu xaqiijiyay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ Maxamed Ibraahin Macalimuu.

Suxufiyiintaan ayaa la sheegay inay ka yimaadeen Magaalada Jowhar, waxaana ay maraayeen Duleedka Muqdisho, iyaga oo doonaya inay soo galaan Xamar ayaa la qabtay.

Maxamed Ibraahin Macalimuu Xoghayaha NUSOJ, ayaa sheegay inuusan haynin ilaa hada sababta rasmiga ah ee ka dambeysay xariga loo geystay Suxufiyiintaasi.

Suxufiyiinta Al-Jazeera ka shaqeeya ee la xiray waxaa ka mid ah Xamze Mohamed, Sawir qaade ka tirsan Tv-ga iyo sidoo kale nin darawal ah oo gaariga u kaxeynaayay Wariyeyaasha.

Ilaa hada lama oga meesha lagu xiray Suxufiyiintaasi iyo nooca uu yahay kiiska loo haysto ee sababay inay xiraan ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

Nabad Suggida Somaliya ayaa sidoo kale xabsiga ka sii deysay Cabdi Guuleed oo ku magacdheer Caano Geel, kaasi oo ah Tifaftiraha Wargeyska Xog ogaal ee ka soo baxa Magaalada Muqdisho.

Maxamed Ibraahin Macalimuu Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ, ayaa sheegay dadaal dheer kadib inay ku guuleysteen sii deynta Suxufigaasi.

Somaliya oo xilligaan isku diyaarinaysa qabsoomida Doorasho dalka ka dhacda, ayaa dhinaca kale waxaa jira in Bahda Saxaafadda ay la kulman caqabado badan oo kaga imaanaya awooda Maamul ee dalka ka jirta

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300