Published On: Wed, Oct 19th, 2016

18 sano kadib: Xaashi Cumar Xasan oo xoriyadiisii dib u helay

hashi-omar-480x320

Maxkamadda qaadeysay dacwaddii loo haystay dhibanne Xaashi Cumar Xasan oo muddo 18 sanno ah ku jiray xabsi cadaalad darro ah iyo dembi aanu gelin ayaa maanta xoriyadiisa dib u helay.

Xaashi ayaa ku eedeysnaa dilkii Muqdisho 20-kii Maarso 1994-tii lagu dilay weriyihii Wakaalada waraka Talyaaniga ee RAI, Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin oo ah suxufyiin Talyaani ah, dembigaas oo maxkamadda ay hadda caddeysay inuusan geysan.

Dib u qaadista Dacwadda Xaashi Cumar Xasan ayaa ka dhalatay wareysi 2002-dii uu qaaday Suxufi Aadan Sabriye oo wareystay ninkii marqaati furka beenta ah sameeyey oo ka sheekeysanayey sidii uu Maxkamadda u khiyaanay & sababihii ku qasbay inuu been intaas la’eg sheego & wareysi kale oo Taleefishinada Talyaaniga ay la yeesheen isla Jeelle, iyagoo tix-raacayey wareysiga hore ee Aadan Sabriye.

Xaashi Cumar ayaa markii lagu dhawaaqay natiijaddii dacwadda wuxuu si qiiro leh ugu mahadceliyey Garyaqaan Xassan Ducaale Kaahiye oo tan & maalintii la xiray Xaashi gacanta ku hayey kiiska & waalidiinta suxufiyiinta Talyaaniga ah, isaga oo kaga mahadceliyey in ugu dambeyn ay garowsadeen in 18 sanno uu ahaa dhibbane xaqdarro ku xiran.

“Maanta 19/10/2016, waxaa maxkamadda Talyaanigu cadeeysay in Dhibane Xaashi Cumar Xassan uuna wax dambi ah ku laheeyn dilkii Ilaria Alpi.iyo in u u xor yahay maanta laga bilaabo. weliba in aanan dacwadaa talyaanigu Appeal ka qaada Karin” PROF. YAXYE CAAMIR

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300