Published On: Tue, Oct 18th, 2016

Waa sidee Jawiga Magaalada Afgooye Caawa, kadib weerarkii Maanta (DAAWO VIDEO KALA CARARKA DADKA)

madaafiic

Xaalada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Caawa degan, kadib Dagaal Ciidanka Dowladda iyo Shabaab ku dhexmaray Degmadaasi.

Dagaal saacado kooban qaatay oo ay Shabaab kula wareegeen gacan ku heynta qeybo ka mid Degmada Afgooye ayaa ka dhacay halkaasi, inkastoo Shabaabka ay caawa dib uga baxeen Degmadaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalantay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada rasmiga ah.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkan ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda caafimaad daro wax looga qabto.

Isku Duwihii Wasaarada Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo Labo sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen Dagaalkan.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa caawa gudaha u galay Degmada Afgooye, waxaana ay halkaasi ka wadaan Howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga.

Dadka Deegaanka ayaa caawa cabsi badan ka muujinaya sida ay tahay xaalada Degmada Afgooye oo caawa aan caadi aheyn, maadaama gelinkii dambe ee maanta uu ka dhacay Dagaal culus.

DAAWO MUUQAALKA VIDEO SIDA DADKA AY U KALA CARAREEN MARKII QARAXA UU DHACAY.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300