Published On: Tue, Oct 18th, 2016

Madaafiic mar kale lagu garaacay Degmada Qoryooley

madaafic

Ururka Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada Madaafiicda iyo dagaalada tooska ah ee ay ku qaadayaan Degmada Qoryooley oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Isbuucaa kaliya Shabaab Afar mar ayeey Madaafiic ku garaaceen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha hoose, iyadoo Madaafiicda qaar Khasaare ay ka soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa Magaaladaasi.

Xoogaga Shabaab ayaa xalay duleedka Degmada Qoryooley waxa ay ka soo tuureen tiro Madaafiic ah oo ay ku tuureen halka ay ku taalo Xerada ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ay ku leeyihiin Degmada Qoryooley.

Guddoomiyaha Degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa Dhacdo.com u sheegay Madaafiicda Shabaabka ay soo tuureen inay ku dhaceen meel banaanka ka ah Degmada Qoryooley oo aysan geysan wax Khasaare ah.

Guddoomiye Maxamed waxa uu hadalkiisa raaciyay Ururka Shabaab inay doonayaan barakicinta dadka ku nool Magaalada Qoryooley, balse maamulka mar waliba uu dadka u sheego inaysan ka bixin Magaalada oo ay isdejiyaan.

Shabaab ayaad mooda inay culeys xoog leh ay saarayaan Degmada Qoryooley oo dagaal iyo duqeyn intaba ay ku hayaan, xilli deeganada ku dhaw Degmadaasi ay gacanta ku hayaan Ciidamada Shabaabka.

Maalin ka hor Shabaab waxa ay dagaal xoog leh ku qabsadeen Deegaanka Muuri ee Gobolkaasi, kadib markii ay u suuragali wayday inay qabsadaan Deeganka NO.50 oo ciidanka ku sugan ay kala kulmeen iska caabin xoogan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300